Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa Kulan la qaatay ganacsata ree Somaliland ee UK

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare oo ku guda jira safarkii uu hogaaminayay ee uu ku joogay Europe ayaa gaadhay Wadanka England gaara ahaan Casimda London.
Wasirka ayaa booqday Safaarada Somaliland ee Wadanka Ingiriiska halkaasi oo uu kula kulamy Safiirka Somaliland u fadhiya Wadanka ingiriiska Mudane Cabdi Cabdilaahi, halkaasi oo uu safiirku ku soo dhaweeyay Wasiirka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kulamo gooni-gooni ah la qaatay Jaaliyada Somaliland ee Wadanka England gaara ahaan ganacsatada ree Somaliland oo uu kula kulamay Safaarada Somaliland ee wadanka ingiriiska.
Kulankan oo uu wasiirka ku wehelinaayay Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka UK, ayaa waxa uu wasiirku kusoo bandhigay fursadaha maalgashi ee waddanka yaalla iyo sidii ganacsatada qurbe-jooga uga faaiidaynlahaayeen fursadahaas waddankana u maalgashan lahaayeen.

Sidoo kale waxaa la isla qaatay sidii wasaaradda iyo ganacsatada qurbe jooga ee reer somaliland iskaga kaashanlahaayeen Horumarinta maalgashiga waddanka gudihiisa iyo soo jiidashada maalgashadayaasha shisheeye.
Wasiirka ayaa kulamo badan la yeelandoona haayado caalamiya oo maalgelin badan geliya qaaradda africa iyo shirkado waawayn oo aad u danaynaaya maalgashiga somaliland.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha