Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa Kulan la yeeshay British International Investment

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay British International Investment.

British International Investment oo ah Hay'adda Horumarinta Maaliyadda ee Dawladda UK ayaa Wasiirka kusoo dhaweeyay Xarunta Guud ee Magaalada London.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay mashaariicda ay Hay'addu ka wado Somaliland ee Wadada Berbera Corridor oo ay Shuraako kula tahay DP World, iyada oo diirada la saaray Horumarinta dhinaca Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha, Logistics iyo isu socodka dalka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa u soo bandhigay British International Investment Fursadaha maalgashi ee dalka iyo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda hada socota.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha