Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa kulan la qaadatay WINGU AFRICA

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Hon Aamina Cilmi Fariid ayaa Kulan Xafiiskeeda ku qaabishay Wafti ka socda Shirkada WINGU AFRICA oo uu Hogaaminayo Chief Strategy Officer Mr Nicholas Lodge.

Kulanka ayaa ahaa Isbarasho iyo kala Xog qaadasho ku saabsan Xagga Maalgashiga Dalka. Shirkadan ayaa Dalka hore u timid kana wada Mashaariic Maalgashi sida Data Base Server ay dhawaan Xadhiga ka jari doonaan oo aay ka Hirgeliyeen Magaalada Berbera.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Is Afgarad iyo Isfaham Shaqo.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha