Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa qaabishay shirkadda OSCAR MINING CO

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Hon Aamina Cilmi Fariid oo uu wehilinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid 'Somali' ayaa Xafiiskeeda ku qaabishay Wefti ka socda Shirkada OSCAR MINING CO.

Weftigan waxa hoggaaminayay Mr. Omar Faris Mohamed oo ah Gudoomiyaha shirkada.
Shirkadan ayaa danaynaysa in ay Maalgashi ku sameeyaan dhinaca macdanta.

Wasiirka ayaa uga warbixiyey sida ay Muhiimka u tahay Maalgashi shisheeye iyo Fursadaha ay danaynayaan ka dawladd Ahaan in la Maalgashado.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha