Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Sucuudiga

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo uu ku wehelinayo Agaasimaha Waaxda Maalgashiga Mudane Cabdalle Maxamuud Sh. Cabdilaahi ayaa safar shaqo ugu baxay dalka Sucuudiga.
Wasiirka ayaa martiqqad ka helay Shirkadda AL-RAJHI GROUP oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalka Sucuudiga, waxaana Wasiirka qaabilay Gudoomiyaha Shirkaddan Mr. Sheik Nasser bin mahdi al suldan.

Wasiirku waxa uu warbixino ka siiyay Fursadaha Maalgashi ee dalka yaala iyo Khayraadka dihin ee u baahan in la maalgashado, sidoo kale Gudoomiyaha Shirkaddan ayaa isna soo dhaweeyay balana qaaday in ay iman doonaan dalka dhawaan oo ay maalgashiyo kala duwan ku samayn doonaan dalka.

Sidoo kale Wasiirka iyo madaxda kale ayaa soo indho-indheeyay Mashaariicda waaweyn ee ay wado Shirkaddani kuwaasi warbixino laga siiyay Waxyaabaha ay qabtaan.