Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa qaabilay Taiwan Business Association
Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Siciid Maxamed Buraale iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale ayaa maanta xarunya wasaaradda ku qaabiley wefti ka socdey Taiwan Business Association oo uu hoggaaminaysay maamulaha xarunta Mrs Alyne Chen.
Weftigan Taiwan Business Association ayaa ujeedada safarkoodu ahaa sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen maalgashiga shisheeye iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen wasaaradda iyo ururkuba daahfurnaanta labada dal ee dhanka maalgashiga.
Masuuliyiinta wasaaradda ayaa Waftiga, faahfaahinn ka siiyay fursadaha maalgashi ee JSL, ka jira una baahan in la maalgashado.
Sidoo kale waxa ay uga mahadnaqeen booqashadooda, waxaaney ku dhiirigeliyeen sidii ay dadaalkooda ku aadan xagga maalgashiga u laba jibaarilahayeen.
Gaba-gabadii masuuliyiinta wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshada Somaliland, ayaa markasta sidan oo kale u qaabila una soo dhaweeya, isla markaana warbixin uga siiya daneeyaasha maalgashiga fursadaha dahabiga ah ee Somaliland yaala.
Somaliland oo ay yaalan fursado badan oo maalgashi, ayaa waxa indhaha ku haya adduunka oo dhan, maadama ay ku taalo bogcad istaraatiji ah.