Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshdaha ayaa kulan la qaadatay Ururka Warshaydlayda Dalka

(Salaasa) 31.01.2023.

Hall-ka Shiraraka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha waxa ka qabsoomay Kulan u dhaxeeyaay Masuuliyinta Wasaaradda iyo Ururka Warshadleyda Dalka.
Kulankan oo ay si wada jira u Shir Guddoominayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Marwo Aamina Cilmi Fariid iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cismaan Siciid.
Kulankan oo u dhaxeeyaay Masuuliyinta Wasaaradda sidaa Agaasimaha Waaxda Warshadaha Mudane Fu'aad Rashiid Bullo iyo Ururka Warshadleyda Dalka sida Guddoomiyaha iyo Xubno ka mida Ururka.
Ujeedada Kulanka ayaa ahayd;
*Is barasho labbada dhinac ah raas oo u dhaxaysay Wasiirka iyo Ururka Warshadleyda .
*Raadinta Mashaaric lagu Horumarinayo Warshadaha sida ka faa'idaysiga Mashaariicda Hay'adaha Caalamiga ah iyo sameynta Daraasad khuseysaa khayraaadka dalka in la Warshadeyn karo.
*U diyaargarowga Qabashada Shirka wada tashiga Xeerka Warshadaha oo ay Wasaraddu soo gabagabeysey
*Sameynta Sanduuqa Horumarinta Warshadaha dalka oo Xeerka Warshaduhu dhigayo iyo sidii hay'adaha caaalamiga ahi uga qayb qaadan lahayeen Sanduuqan.
* Sidii loo fudaydin lahaa loona dhiirigelin lahaa Cashuur dhaafka Xukuumadu siiso Warshadleyda iyo sidii loogu soo koobi lahaaa Hal Goob Adeega hay'adaha ay khuseyso Adeegaas.

@xafiiska warbaahinta ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha