Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga oo ka qayb galay Taiwan trade Fair kuna soo bandhigay illaha maalgashi ee Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Mudane Maxamed Axmed Cawad oo ay weheliyaan Safiirka Taiwan u fadhiga Somaliland, Ku simaha Wasiirka Arrimaha dibadda ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, guddoomiyaha Banka dhexe, masuuliyiin ka socday Rugta Ganacsiga iyo mudan kale ayaa maanta xadhiga ka jaray carwo ganacsiyeedka TAIWAN. Taas oo noqon doonta mid kor u qaadda xidhiidhka Maalgashi iyo ganacsi ee ka dhex dhici doona Somaliland iyo Taiwan. Kuwaas oo marba marka ka dambaysa uu sii xoogaysanayo xidhiidhkooda siyaasadeed ee dhawaan dhex maray labada dal.