Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga oo qaabilay MH Engineering and Country Club Developer

Hargeysa (WHM) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Mudane Mohamed Ahmed Mohamoud "Cawad" ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay MH Engineering and Country Club Developer, oo ah maalgashadayaal Itoobiyaan ah oo ka shaqeeya aagagga warshadaha (Industrial Zones). MH Engineering waxa ay Wasiirka la wadaageen dhowr Aagag-Warshadeed oo waaweyn (Big Industrial Parks) oo Ethiopia dhexdeeda ah ayna ka shaqeeyeen oo ay la wadaageen suurtagalnimada nooca aagagga warshadaha (Industrial Zones) ee ay ka abuuri karaan Somaliland iyo nooca fursadaha ay keeni doonto. Wasiirka ayaa soo dhoweeyey, isla markaana la wadaagay mudnaanta maalgashiga ee Somaliland, isla markaana wuxuu u sharraxay ahmiyadda ay leedahay in aagagga warshaduhu u shaqeeyaan dalka, iyo sida ay muhiimka ugu tahay dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay dadaalladii ugu dambeeyay ee ay dowladdu ku sameysay sameynta qorsheyaal noocan oo kale ah oo lagu dhiirigelinayo maalgashadayaasha.