Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa qaabilay Taiwan Business Association

Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha ,Mudane Siciid Maxamed Burale, Ayaa Qaabiley Wafti maalgashata oo ay hor kacayaan Taiwan Business Association Ms. Alyne Chen
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray fursadaha ballaadhan ee maalgashi ee ka jira gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Wafdigan maalgashatada ah ayaa ka koobnaa shirkado waa wayn oo kala ah YEN & BROTHERS ENTERPRISE CO., LTD, Aquaponics Company, ZTQ ENTERTAINMENT, HW CAPITAL, CENTRAL SKY INTERNATIONAL TRADING CO, EXCELSIOR BIO-SYSTEM INCORPORATION
Maalgashadeyaashu waxa ay aad u xiisaynayaan qaybaha Maalgashiga ee kala ah:
* Kaluumaysiga iyo khayraadka badda
* Sifaynta biyaha
* Caafimaadka xoolaha
* Maalgelinta ganacsiyada yaryar
* Soosaarka iyo suuq-geynta qalabka Electronic-ga
Wasiirka ayaa waxaa ku wehelinayeey kulankan Agaasimaha Waaxda Warshadaha ah ku siimanaha Agaasimaha Guud Mudane Yasir Iyo Agaasimaha Waaxda Maalgashiga Marwo Hibaq ali abdoo iyo agaasimaha waaxda warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha Ibrahim ali
Wasaaraddu waxay soo dhoweynaysaa cid kasta oo danaynaysa Maalgashiga wadanka, waxayna sii wadi doontaa dhiirrigelinta Maalgashiga, xoojinaya koboca dhaqaalaha iyo horumarka warshadaha dalka.