Wasiirka Wasaardda H.M.Warshadaha ayaa kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah Warshadaha dalka

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdi Cismaan Dhaga-weyne ayaa bilaabay kormeer Indho indhayna oo uu ku samaynayo qaar ka mida warshadaha dalka.

Kormeerkan oo wajigiisa koowaad uu wasiirku ku bilaabay warshadaha ku yaala gobolka maroodi jeex wajiga danbana uu ku mari doono warshadaha ku yaala gobolada dalka. Kormeerkii shalay ayuu wasiirku ku soo maray kuna soo eegay habsami u socodka wax soosaarka warshadaha kala ah
1. Adco
2. Ila Tango
3. Tayo plastic
Iyo sidoo kale warshadii kabka hargaysa oo hada hawl gab ah.
Ujeedada kormeerka wasiirka ayaa ah
1. U kuurgalka xaaladaha dhabta ah iyo duruufaha ay warshaduhu ku shaqeeyaan
2. U xogogaal noqoshada Heerka iyo noocyada wax soo saar ee warshadaha dalku soo saaraan.
3. Bogaadinta iyo dhiiri galinta maalgashatada ku dhiiraday inay dalka ka hirgaliyaan warshado kor u qaada koboca dhaqaale iyo heer nololeedka dadka reer Somaliland.
4. Iyo inuu wasiirku helo xogta dhabta ah ee ka jirta wadaagaha warshadaha dalka.

Waxaana Xusid Mudan In Intii Kormeerka Wasiirku Socdey Ay Warshada Ila Taango Shaahada Ku Maamuustey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdi Cismaan Dhaga-weyne
Ugu danbayn waxa wasiirka kormeerka ku wehelinayay agaasime waaxeedyo iyo qaar ka mida shaqaalaha wasaaradda.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha