Wasiirka Wasaradda H.Maalgashiga iyo Warshdaha ayaa soo kormeertay qaar ka mid ah warshadaha dalka

Wafti ay hogaaminayso Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Hon Aamina Cilmi Fariid, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cismaan Siciid iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada ayaa booqasho iyo kormeer ku soo maray Warshada SBI IYO LIS DIAREIS. Kormeerka ayaa ku saabsanaa qiimaynta badqabka iyo fayo-dhawrka Warshadahaas. Kormeerka Wasiirka waxa ku wehlinayay Agaasimaha guud, Agaasimaha Waaxda Warshadaha iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Dabagalka iyo ilaalinta tayada iyo shaqaale ka tirsan Wasaarada.


@Xafiiska Warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha.