Xaflada xilwareejinta Agaasimihii Guud ee hore iyo Agaasimaha Cusub

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Mudane Cabdilahi Cabdiraxman Aare ayaa manta xilkii u kala wareejiyey Agaasimaha cusub Mudane Maxamed Cisman Siciid iyo Agaasihimii hore ee wasaaradda Marwo Fadxiya Maxamed Cabdiraxman.
Munaasibada oo ahayd mid heersare loosoo agaasimey ayaa ka qabsoontay hallka shirarka ee xarunta wasaaradda, taasoo ay kula kala wareegayeen Agaasimihii hore Marwo Farxiya X. Maxamed Cabdiraxman iyo Agaasimaha cusub Mudane Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Somali) ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin fara badan kuwaasoo dhamaantood is dultaageen dardaaran iyo inuu alle u fududeeyo agaasimeyaasha xilka la kala wareegayey.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha