XAFLADDA ABAALMARINTA SHAQAALAHA SANNADKA 2020

WHM "Hargaysa" 14. 01. 2021.

XAFLADDA ABAALMARINTA SHAQAALAHA SANNADKA 2020

Waxaa maanta xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu abaal marinayay shaqaalihii ugu wanaagsanaa shaqaale waynaha Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga Lagu qabtay Hoolka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga. Xafladda ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga mudane Maxamed Axmed Maxamuud “Cawad”, Agaasimihii guud ee hore ee  Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Hay’adda shaqaalaha dawladda mudane Maxamed Geedi Caynaanshe, Agaasimaha Waaxda qiimaynta Iyo ku xigeenkiisa ee Hay'adda shaqaalaha iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda H.Maalgashiga. 
Hadalladii kala duwanaa ee ay halkaas ka jeediyeen masuuliyiintu ayay dhammaantood wada xuseen muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha la abaalmariyo. Si ay dedaalka halkaas uga sii wadaan. Shaqaalihii sannadka 2020 oo dhammaan 8 shaqaale ah ayaa halkaas lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaalmarinno kale.