XAFLADDA ABAALMARINTA SHAQAALAHA SANNADKA 2021

Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL ayaa xalay abaal marino gudoonsiisay shaqaalihii ugu wanaagsana sanadka 2021.
Munaasinadan oo xalay ka dhacdey Baraar Hotel taasoo lagu abaalmariyey 28 shaqaale ah oo loo aqoonsadey inay ahaayeen shaqaalihii ugu shaqo wanaagsanaa.
Munaasibada waxa kalasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdilahi Cabdiraxmaan Aare, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Siciid Cismaan iyo Agaasime waaxeedyada wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Candirisaaq Jama, Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Aamina Xuseen, Gudoomiyaha Komishanka Maamulwanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Mudane Liban Buraale.
@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha