Xafladda Daahfurka Xeerka Maalgashiga

Waxaa saaka oo Salasa ah ka qabsoomay Hall-ka hotel Casod Daahfur ka xeerka maalgashiga
Daahfurkas oo kasoo qayb galeen Madax kala duwan oo ay kamid yihiin
1. Wasiirka Wasaarada Hormarinta Maalgashiga iyo warshadaha Mudane Cabdulahi cabdiraxmaan Aare
2. Wasiirka qorshaynta
3. Wasiirka Hormarinta beeraha
4. Masuuliyiin ka socda World bank IFC
5. Gudoomiyaha bank dhexe
6. Gudoomiyaha ururka warshadlayda
7.Gudoomiyaha rugta ganacsiga
8. Agaasimaha Guud ee wasaarada Hormarinta maalgashiga iyo warshadaha Mudane Maxamed Cismaan Siciid ( M,Soomali)
9. Compony-ga East African Constractors Limited 'EACL'
10. Xilibaano ka tirsan golaha wakiilada
11. Bankiga iyo Shirkadaha wada shaqaynta dhawleenahay xaga Maalgashiga
Xafladaas oo ujeedadu ahayd Daahfurka Xeerka Maalgashiga
Madaxda kala duwan ee ka hadashay xafladaas waxay sheegen oo ay kudheeraden muhiimada iyo faaidada u lee yahay dalka iyo dadkaba waxaanu dhiiri galinaya maalgashatada dalka iyo dibadaba
Xeerkan oo ka kooban sadex iyo sodon qodab oo ay ka farcamayaan xeer Nidaamiyaal iyo habraacyo laxiriira xeerka Maalgashiga.


@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha