Xafladda Soo dhowaynta Shaqaalaha Cusub


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilahi Cabdiraxman Aare, Agaasimaha guud ee wasaaradda Marwo Farxiya X. Maxamed Cabdiraxman ayaa kulan soo dhaweyna u sameeyey shaqaalihii kumeelgaadhka ahaa.
Kulanka oo ujeedkiisu ahaa sidii loogusoo dhaweyn lahaa shaqaalihii mudada badan ku meel gaadhka ahaa, iyadoo la farayay waajibaadka shaqo ee wasaaradu ugu xil saarantahay qaranka.
Kulanka waxa soo diyaariyey waaxda cududa shaqaalaha.
Intii kulanku socdey ayaa waxa mid mid isku bartay shaqaalaha cusub iyo masuuliyiinta wasaaradda. Iyadoo shaqaalaha cusub loo jeediyey cashar ku saabsan shaqada wasaarada iyo doorka muhiimka ah ee qaranka ay kaga jirto.
Waxa hadalo kooban iska daba qaatay agaasime waxeedyadii goobta ku sugnaa oo dhamaantood soo dhaweeyey shaqaalaha.
Ugu dambayntii waxa kulanka soo xidhay agaasimaha guud iyo wasiirka Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo hadaldoodu u badnaa soo dhaweynta shaqaalaha cusub iyo dardaaran ku aadan shaqada ay kusoo biireen.