XAFLADDA XIL WAREEJINTA AGAASIMIHII GUUD EE HORE IYO AGAASIMAHA GUUD EE CUSUB

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga JSL. Taas oo ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimhiii Guud ee hore iyo Agaasimaha Guud ee cusub ee dhawaan madaxwaynaha JSL usoo magacaabay Wasaaradda Maalgashiga.
Xafladdan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Axmed Cawad, Guddoomiye ku xigeenka Koomiishanka Maamul Wanaaga Mudane Liibaan Ismaaciil , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdiraxmaan Abdeeq, Agaasimaha Guud ee Dhawrista tayada Mudane Xamse Suldaan, Agaasimihii Hore ee xilka wareejinaysay , Agaasimaha Cusub ee xilka la wareegaysay ,nabaddoono, cuqaal, agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo shaqaale waynaha Wasaaradda. Ayaa halkaas waxa laga jeediyay hadallo soo dhawayn iyo sagootin iskugu jiray,taas oo agaasimihii hore lagu ammaanay shaqo wanaaggii iyo dedaalkii ay uhuri jirtay shaqada Wasaaradda. 
Marti sharafka kala duwan ee Agaasimayaasha iyo martida kale ayaa iyaguna hambalyo iyo ducaba u diray agaasimaha Cusub, halka ay sii sagootiyeen Agaasimihii Hore.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda ayaa agaasimihii Guud ee hore ku ammaanay shaqaday u haysay qaranka, kuna bogaadiyay in ay halkaas ka sii waddo hufnaanta shaqada, isaga oo soo dhaweeyay Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda. 
Ugu dambayn waxa Wasiirka Wasaaraddu halkaas ugu kala wareejiyay xilkii labada agaasime.