Xafladda Xil Wareejinta Wasiirkii Hore iyo Wasiirka Cusub

Saaka oo Salaasa ah waxa ka dhacday Baraar Hotel Xaflada Xilwareejinta Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Marwo Aamina Cilmi Fariid.
Xaflada waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan sida Wasiiro, Guddoomiyayaal, Agaasimayaal guud, Maareeyayaal, Cuqaal iyo Waxgarad, Xubno ka socda Ururka Warshaydlayda, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, iyo Marti sharaf badan oo ka socda qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Masuuliyiintii kala duwanayd ee Xaflada ka hadashay waxa ay sheegeen in Wasiirkii hore uu wax badan ka qabtay Horumarinta Shaqada Wasaaradda intii u joogay ugana mahad naqay.
Waxa kale oo ay Masuuliyiintu soo dhaweeyeen una Duceeyeen Wasiirka Cusub ee Wasaaradda in Illaahay Xilka u Fudaydiyo iyagoo sheegay inaay tahay qof hawl kara oo gudaan karta xilka loo igmaday.

@Xafiiska warbaahinta
Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha